Xaaladda Kufsigu ee Somaliland Xal bay u Baahan Tahay

Produced by: (Amplifying civil society voice on GBV coalition members in Somaliland)

Kufsigu waxa uu qayb ka yahay rabashadaha ka dhaca bulshooyinka qaarkood , kaas oo sababa dhibaatooyin badan oo saameyn weyna ku yeesha aminga, dhaqaalaha iyo caafimaadka  bulshada. Kufsigu wuxu ka mid yahay tacadiyada inta badan ku dhaca dumarku iyo caruurta. waxaannu ka dhex dhacaan dhamaan bulshooyinka caalmka oo dhan. Somaliland waxa ay ka mid tahay Waddamada aannu hore uga dhici jirin kufisigu amaba uu ku yaraa , waxa cad in mudooyinka danbe ay soo kordhayaan warbiximaha ku saabsan kufsiga ee ka dhaca dalkeena.

Hayaada Caafimaadka adduunka “WHO” waxa ay qeexaysa in dhamaan cudurada soo socda ay ka dhashan kufsiga markuu dhaco. Cudurada Dumarka, Xanuun ku dhasha Xubinta taranka, Cudurada Galmada, Dhalmo La’aan, Cudurada Miiskaha ku dhaca oo bararka keena, Dhibatooyinka uurka, Dhicis, Xanuunada ku faafa galmada sida HIV/AIDs, Dhawac keena dhimasho, qofka oo isdila, isku-buuq, Xanuuno Joogto ah, Xanuunada Maskaxda, Ilmaha oo layska soo rido, uur aan la rabin oo samaysma.

Dadka ugu badan ee kufsigu ku dhaco waa haweenka kuwaas oo ah qaar u nugul dhibaatada ka dhalata kufsiga, sida ku cad warbixinada illaa hadda laga hayo arrimaha kufsiga waxay qeexayaan in haweenka iyo dadka ku nool goobaha barakacayaasha, qoxoontiga, miyiga, magaalooyinka dhexdooda iyo dadka la hayb sooco ay yihiin kuwa badanaa la kulma kufsiga.

Dhibatooyinka iyo samaynta  ka dhalata kufsiga iyo tacadiyada ka dhanka ah sharafta qofka aadamaha ah, waxa ay saameyn weyn ku yeeshaan qofka shaqsinimadisa, sharaftiisa, sidoo kale waxa ka soo gaadha dhawacyo khatar ah kuwaas oo samayn weyn ku yeelata xidhidhka uu la leeyahay bulshadiisa iyo qoyskiisa, waxa ay keenta sidoo kale colaad iyo isku dhacyo ka dhex dhaca bulshada, waxa ay dhalisaa in la takoro qofka dhibanaha ah, waxa ay khal-khal gelisaa isu socodka bulshada iyo wada noolaanshaha.

Ummada Soomaalidu waxa ay leeyihiin xeer dhaqameed ay ku xaliyaan dhibka ka dhex dhaca bulshada,  hase ahaate, marka la eego arrimaha kufsiga, xeer dhaqmeedku waa midka ugu badan ee la isticmaalo si xal deg-deg ah looga gaadho sidii loo xalin lahaa arrimaha kufsiga. Hasa yeeshee wuxu noqon kara mid dhawaacaya xuquuqda  dhibanaha taas oo keenta in qofkii kufsiga geystay loo guuriyo qofkii dhibanaha ahaa si xal loogu raadiyo mudo kadibna qoyskaasi burburo.

Sidaa awgeed, xeer dhaqmeedku muu noqon mid soo af-jaraya dhibaatooyinka kufsiga ee ka dhaca bulshada dhexdeeda, bulshadu waxa ay u aragtaa in ku xalinta xeer dhaqmeedku sababo soo noq-noqshada iyo kor u kaca tirada kufsiyada dhaca. Hadaba si arrintaas xal waara loogu helo ururada bulshada iyo ha’yadaha dawladda ee u xilsaran arrimaha kufsigu, iyaga oo ka duulaya siyaasadda iyo dastuurka wadanka, waxa ay bilabeen in la hirgeliyo xeer ciqabeed (Xeerka Kufsiga) taas oo ay muhimadiisu tahay in ilaaliya nabad galyada shaqsiga qofka ku gefaana uu u mutaysto ciqaab taas oo lagu ilaalinayo nabad gelyada caamka ah qaranka. Xeerka kufsigu, wuxu ku yimid wadatashi ka dhexdhacay daneeyeyaasha, ee ay ka mid yihin ururada rayidka ah, hay’adaha dawaladda, odaydhaqmeedka, iyo culimada, si ay u abuuraan xeer ciqaabeed lagu fuliyo kiisaska kufsiga ah ee ku soo kordhaya waddankeena. Sharcigani wuxuu ka duulaya sidii loo soo afjari lahaa la xisaabtan la’aanta iyo xad-gudubyada uu keeno Kufsigu.

Gun iyo gebo-gebo xeerka kufsigu wuxu xal u noqonaya in si cadalada ah loo horkeeno qof dhib-gaystaha ah maxkamada dalka. Xeerka kufsigu wuxu mudo badan hor yaala Golaha Barlamanka Somaliland, loona bahan yahay in ay si dhakhso ah u ansixiyaan. Maqaalkani wuxuu fariin u dirayaa golayaasha barlamaanka in aanay iska indha tiri dhibta ku dhacaysa inta aan codkoodu meel gaadhi una baahan hiil cadaaladeed.