Cilmi- baadhis ku saabsan tacadiyadda ka dhanka jinsiga

Soo saaray: (Amplifying civil society voice on GBV coalition members in Somaliland)

Maanta oo ay taariikhadu tahay 28th Feb 2017, ayaa Haayadda Progressio iyo  12 ururada bulshada rayida ka ah (collation members) ee Somaliland kana shaqeeya dhinaca tacadiyaga ayaa  soo bandhigay daarasadda laga soo ururiyey gobaladda Maroodi jeex iyo Togdheer kaas oo ku saabsan heerka uu maraaayo dhibaatooyinka tacadiyadda ee ka dhaca Somaliland.

Daraasadan oo ah  cilmi baadhis waxa maal galiyey Haayadda Amplify change iyadoo kaashanay Progressio iyo ururadda maxaliga ah.  Shirkan oo lagu shaacinaayey waxii ka soo baxay cilmi- baadhistan ayaa waxa ka soo qayb galay xubno ka kala socadda dawaladda, Haayadda caalamiga ah, ururadda Bulshada rayidka  ah iyo xubno ka socadda bulashaddi la soo waraysatay.

Ugu Horayn Waxa hadalka Kulankan furtay Sucaad Abdi oo ah Wakiilka Haayada Progresio Ku Joogta Somaliland halkaas oo ay sheegtay ujeedadda kulanka iyo dhibaatooyinka uu lee yahay tacadiyada ka dhanka jinsiga waxan ay soo jeedisay in si wada jir ah looga shaqeeyo la dagaalanka Tacadiyada ka dhaca Wadanka gaar ahaan dhibaatooyinka gaar ah ee ku dhaca Haweenka iyo caruurta.

Sucaad  oo hadalka sii wadata ayaa tidhi-sheekooyinka ku saabsan tacadiyada ee ka dhex dhaca bulshada waa qaar tiro badan, kala noocyo duwan yihin, waxanay leeyihin heerar kala gaadisan,

laakiin ka ugu daran ee innaga dhibaatada ugu badan innagu haya Bulshaddeena  ee aan loo dul qaadan karin heerka uu marayo waxa weeyaan kufsiga ama mid kaliya ha noqdo ama ha noqdo mid wadareed.

Wasiiro dawlaha wasaaradda arimaha bulshadda  Mudan: Abdi  Daahir Camuud ayaa isna si faah faahsan uga hadlay arinka tacadiyaadka ka dhanka ah jinisga isago dhamaan bulshadda kala duwan  ka codsaday in waxa laga qabto dhibaatooyinka, wuxuna ka dawalad ahaan soo dhawayey waxii ka soo baxay cilmi- baadhistana in  tahay mid mahiim oo lagu ogaan karo heeraka tacadiga maraayo dalkeena.

Miss Kailee oo ahayd hogaanka  cilmi-baadhista ayaa sharaxaad dheer ka bixisay ujeedooyinka cilimi baadhista iyo sidda loo soo ururiyey hanaanka xogta  bulshadda laga soo ururiyey iyadoo sheegtay qababkii  kala duwanaa  ee loo raacay cilmi-baadhistan markii la samaynaayey  iyo dadkii la warastay sidda loo xushay . Miss Kailee waxay sheegtay in cilmi- baadhistan ay ka qayb qaateen 24 qof oo ka kala socdaa 12 ururada bulshada rayida ah iyadoo la warastay bulsho dhan 98 shakhsi oo kala socada tuulooyinka, Hargeisa, Baligubadle, Burao, Yirowe,  Qota IDP Camp and Ali Hussein IDP camps.

Miss Kailee Waxay sheegtay in Cilmi-baadhistan ay Muujinayso Noocayda Tacadiyada ugu badan ee ka dhex dhaca Bulshad dhexdeeda gaar ahaan goboalad laga soo ururiyaya xoogtan.

Cilmi- baadhistan waxa ka soo baxay in tacadiyadda ka dhanka ah jinisga inta badan yahiin gacan-ka-hadalka ka dhex dhaca qoyska, kufsiga, kufsi-wadareedka iyo Gudniinka Fircooniga ah, guurka qasabka, dhibaatooyin dhaca xiliga dhalmadda, dhiig baxa, xanuuno infagshanis  ah, quudin la’aanta qoyska iyo takoorida bulshada dhaxadeed.

Falaqayan dheer ka dib waxii  soo baxay cilmi- baadhistan waxa  si kooban uga hadalay  Agaasimaha fulinta Dalladda NAFIS Mr. Cabdiraxmaan Gaas  oo yidhi runtii marka loo eego sanado badan ka hor somaliland waxaa la yidhi 99%  hablaha gudniin ayay maraan gudniinka ay maraana waa mid ka dhana xuquuqdoda aadamaha iyo caafimaadkooda iyo shaqsiyadoodaba, gudniinka ay maraan waa mid naftooda wax yeeleya maalinta la guddo ilaa maalinta ay dhimanayso waa dhibaato la socota lakiin nasiib daro badi kama warqabno mana ogin waxyaabaha ay qarsanayaan lakiin qolooyinkayaga la shaqeeya waan soo ogaanayo aad ayay u adagtahay arintaasi.”

Sidoo kale guddoomiyaha Dalladda NAGAAD Marwo Ismahaan Cabdisalaan Xasan   ayaa sheegtay in Qofka dhallinyarada ah tamarbaa ku jirta iyo awood ka badan awooda ay gabadhu leedahay, awooda inanka yar ku jira hadii aan la xakamayn oo aan tacliin lagu jihaynin ama shaqo lagu jihaynin ama ciyaaro awoodaasi iskaga saaro uu waayo  waxaa uu ku jeesanayaa waxii ugu dhawaa oo ah gabadhaa yar ee maskiinta ah ee iyadu ama fiid socota ama uu arkayo iyadoo gurigoodi ka baxday oo wax loo diray ee halkaa loo fadhiisanayo, runtii waa arin aad iyo aad u fool xun oo u baahan in daraasad gaara laga yeesho maxaa keenay kufsigan aynaan hore u aqoonin ee kufsi wadareedkan la sheegayo ah.”

Ugu danbayntii waxa halkaas su’aalo iyo falanqayn lagu sameeyey darasadii la soo bandhigay iyada oo ay si baladhan uga qayb qaateen dadkii ka socday gobolada Togdheer iyo Marood-jeex, Waxaana laysla qaatay in ay xoogtani ka turjumayso dhamaan tacdiyada iyo dhibataada ka dhexdhacda bulshada loona baahayn in xaal iyo qorshe waar laga soo saaro, sidii loga hortagi laha in ay Nabada,Nidaamka iyo dhaqanka bulshadu u Badbaado.

Waxa sidoo kale laysla qaatay in loogu baaqo in dawalladduu Hir galiso sharciga horyaal baralamaanka Somaliland ee xeerka kufsiga.

Talo- soo jeedin.

Cilmi- baadhistani waxa ay soo  jeedinaysaa  in la dar dar galiyo talooyikan.

  1. Xoojinta sharciga iyo siyaassadda- ee ku saabsan xeerarka kufsiga iyo gudniinka fircooniga ah
  2. In la kordhiyo cadaymaha/ macaluumadka tacadiyada ee ka dhanka ah jinisga-
  3. Shaqo abuursi iyo dhisme dhaqaale loo dhan yahay-  in koor loo qaado da,yarta  halaysa furasadda shaqo  si ayn igu dhacin  kubsi iyo iwm
  4. Xoojinta nidaamka cadaaladda- in la kordhiyo adeeg cadaaladda ee ka jira tuulooyinka iyo miiyga fog
  5. In al joojiyo ku xalinta xeer dhaqameedka arimaha ku saabsan tacadiyadda jinsiga ee ka dhax daca bulshadda reer guuraaga ah
  6. Kor u qaadis dhaqaale- si bulshadda awood ugu  hesho in ay la dagaalanto tacadiyadda
  7. Wacayi- galinta bulshadda- waxa loo baahan yahay in la sii wado wacayi galinta joogta oo ku saabsan la dagaalanka ka dhanka jinisga
  8. In la maqalo codka bulshadda rayidka ah ee ku saabsan tacadiyadda ka dhanka ah